Golaha Ammaanka QM oo ku baaqay in Sharciga la hor geeyo dadkii ka dambeeyey Qarixii Kismaayo

15-ka xubnood ee  Golaha Ammaanka ee QM  oo xalay Kulan yeeshay ayaawaxay  soo saareen Hadal-qoraal oo ay si xooggan ugu cambaareeyeen qarixii iyo weerarkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Hotelka Madina (Ex-Cascasey) ee  magaalladda Kismaayo oo ay ugu yaraan 26 qof ku geeriyootay, halka  56-kale ku dhaawacmeen.

Golaha Ammaanka waxay sheegeen inay Tacsi u dirayaan Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen weerarkaasi, iyo weliba DFS iyo Ummadda Soomaaliyeed, waxayna dadkii ku dhaawacmay u rajeeyeen caafimaad degdeg ah.

Golaha Ammaanka ee QM waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in Caddaaladda la hor keeno dadkii ka dambeeyey weerarkaasi, kuwii soo abaabulay iyo kuwii maalgeliyey falkaasi, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay ku booriyeen dhamaan Dowladaha inay si firfircoon ula shaqeeyaan  DFS iyo dhamaan Maamulladda kale ee muhiimka ah, Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo sheegeen in Weerarkii bishan July 12-dii ka dhacay Hotel ku yaalla Kismaayo lagu dilay, laguna dhaawacay dad rayid ahaa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media