Golaha Ammaanka oo kordhiyay Waqtiga Howlgalka QM Ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka QM ayaa kordhiyay waqtiga shaqada Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya tan iyo 31 Maarso Sanadka 2017ka iyaga oo eegaya muhiimada Nidaamka siyaasada dalka oo ay ugu horeyso doorashada Madaxtinimada.

15 xubnood ee golaha guud ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya uu xafiiska UNSOM ka taageeri doono Nabada,Cadaalada iyo nidaamka doorashada Sanadkan 2016ka iyo tan 2020ka.

Bishii hore Kaaliyaha xoghayaha guud u qaabilsan dhinaca siyaasada Jeffrey Feltman iyo Wakiilka QM Ee Soomaaliya Michael Keating waxa ay la kulmen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay kala hadlen arinta doorashada.

Golaha ayaa u dhiirigeliyay Xafiiska UNSOM inuu kor u qaado is dhexgalka uu la sameeyo Bulshada rayidka Soomaalida oo ay ku jiran Habeenka,Dhalinyarada,Ganacsatada iyo hogaamiyeyaasha diibnta si loo hubiyo nidaamka Siyaasada Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor