HomeWararGolaha Ammaanka ee QM oo maanta cod u qaadayo Qaraar ku baaqayo...

Golaha Ammaanka ee QM oo maanta cod u qaadayo Qaraar ku baaqayo inay QM iyo Hay’addaha la shaqeeya ka hawl bilaabaan dalka Syria.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Qaraarkaasi qabyada oo ay Dowladda Faransiiska soo diyaarisay ayaa qeexayo in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah  loogu oggolaado inay QM iyo Hay’addaha la shaqeeya gudaha u soo geli karaan qeybaha go’doonsan ee magaalladda Aleppo iyo guud ahaan dalka Syria, si loo hubiyo in loo diro Gargaarka Aadaminimo. Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qaraarkaasi qabyada oo ay Dowladda Faransiiska soo diyaarisay ayaa qeexayo in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah  loogu oggolaado inay QM iyo Hay’addaha la shaqeeya gudaha u soo geli karaan qeybaha go’doonsan ee magaalladda Aleppo iyo guud ahaan dalka Syria, si loo hubiyo in loo diro Gargaarka Aadaminimo.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa in ay gelinka dambe ee maanta Kulan Furan yeeshaan, si ay ugu codeeyaan Qaraarkaasi

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka ee AP oo aragtay nuqul ka mid ah Qoraalkaasi ayaa loogu baaqay Ban Ki-moon inuu si degdeg Shaqaalaha QM dib ugu celiyo dhulka Syria, si ay u qaadaan Ilaalin dhexdhexaadnimo ah iyo inay Kormeerid Toos ah iyo inay ka soo warbixiyaan Daad-gureymaha socda.

Waxaa kaloo lagu xusay in daad-gureynta rayidka noqoto mid ay u madax banaaan yihiin iyo Xulashadda Deegaanadda ay Rayidka doonayaan in loo ambabixiyo.

Dhinaca kale, Tobanaan Kun oo qof oo Rayid ah oo ku xayiran magaalladda Aleppo ee dalka Syria ayaa ka walaacsan sugitaanka si loo daad-gureeyo.

- Advertisement -

Dhexdhexaadiyaha Kooxaha Hubeysan ee dalkaasi, Al-faaruuq Abu Bakaar ee uu fadhigiisu yahay Bariga Aleppo ayaa u sheegay Telefishinka Aljazeera in saqdii dhexe ee xalay la gaaray Heshiis, kaasi oo oggolaanayo in Tobanaan kun oo qof laga daad-gureeyo dhamaan Degmooyinka go’doonsan ee dalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in saacadaha soo socda la daad-gureyn doono dadka rayidka ee ku go’doonsan Degmooyinka Madaaya iyo Zabadaani.

Heshiiskaasi ayaa yimid dhowr maalmood kadib, markii ay Dowladda Syria sheegatay Guusha Aleppo oo ay Kooxaha Hubeysan maamuli jireen tan iyo sannadkii 2012-kii.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts