15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay Kulan Khaas ah ka yeesheen Arrimaha Somalia, gaar ahaan Hawlgalka AMISOM iyo dhimista Tiradda Ciiddankaasi.
Goluhu waxay isku raaceen inay taageero u fidiyaan AMISOM, lana kordhiyo xilliga Daad-gureyntooda oo la gaarsiiyey ilaa dhamaadka bisha July ee sannadkan.
Qaraarka Golaaha Ammaanka ee QM waxa u umar kale ku baaqay go’aankii hore ee Ururka Midowga Afrika ku xaqiijinayaan dhimista Tirada Ciiddanka AMISOM aan labisnayn la gaarsiiyo 20,626 Askari, halka ay haatan ka yihiin 22,126 Askari .
Golaha Ammaanka ee QM waxay ka codsadeen Xoghayaha Guud ee QMÂ in la sii wado Taageeradda Lojistikadda ee la siinayo AMISOM IYO 70-ka Shaqaalahodoa Rayidka iyo 10,900 oo Ciiddanka Somalia iyo Hawlgalka QM ee taageeradda Somalia ee UNSOM.