Golaha Ammaanka ee QM oo ka hadlay doorka Ciiddanka Kenya ee La-dagaalanka Al-Shabaab

15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay si kulul u cambaareeyeen weerarkii ay Alshabaab ka geystay Hotel ku yaalla caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, waxayna ku baaqeen in sharciga la soo taago dadkii maalgeliyey iyo kuwii soo abaabulay Weerarkaasi, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo ka hadleen kaalinta ay Ciiddanka Kenya kaga jiraan Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

Dhinaca kale, Tirada dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotelka Dust ee Nairobi ayaa la sheegay inay sii kordheen, iyadoo tiradu gaartay 21-qof.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya waxay iyagana sheegeen in weli la la’ yahay 50-qof oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Dhismaha HotelkaDusit D2 ee Galbeedka magaalladda Nairobi.

Horey waxay Hay’addaha Ammaanka Kenya u sheegeen inay 700 oo qof ka soo badbaadiyeen Dhismahaasi ay Alshabaab weerareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor