Go’aankii kasoo baxay Maamulka Puntland oo Maanta dhaqan galaya

Waxaa maanta lagu wadaa inuu dhaqan galo Go’aankii khamiistii lasoo dhaafay kasoo baxay Golaha Wasiirrada maamul Goboleedka Puntland, kaas oo shirkadaha Isgaarsiinta lagu siiyay amar ah in hal doollar ama ka yar aan la isugu diri Karin adeegyada Sahal iyo E-dahab.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxay Shirkadahaas amar ku siiyay, in ay sarrif ahaan u qaataan Lacagta Shiling Soomaaliga ah, si loo soo celiyo qiimaha lacagta Shilin-ka oo hoos u dhac ballaaran ku yimid, taas oo sicir-barar keentay.

Sidoo kale War gelinkii dambe ee shalay kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lagu adkeeyay shirkadaha in ay u hoggaansamaan awaamiirtii kasoo baxday shirkii golaha wasiirrada.

Magaalooyin ka tirsan Mamaulka Puntland ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay banaanbaxyo xoogan oo looga horjeeday sicir barar xoogan oo ka jira deegaano ka tirsan Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media