Go’aamo laga soo saaray Shir ay Maanta yeesheen Golaha Wasiirada Somaliland

Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa Maanta kulankii 93aad ee Golaha  ku yeeshay Magaalada Caasimadda Somaliland, waxaana kulankaas shir guddoomiyey Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi oo uu wehlinaayay ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici.

Kulanka ayaa ugu horreeyn waxaa warbixin la xiriirta amniga Somaliland la wadaagay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay in xaalada amni ee deegaanada ay tahay mid nabadgelyo ah, sidoo kale waxaa Warbixin laga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dr Ciise Keyd Maxamuud.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa waxaa lala wadaagay halka uu marayo qorshaha dib-u-dhiska Suuqa waaheen iyo qorshaha dejinta suuqyada ku meel-gaarka ah ee loo diyaariyey inay ku ganacsadaan dadkii uu saameeyey dabkii Waaheen.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Somaliland ayaa qodobbo ka soo saaray Shirkii Golaha Wasiirrada ay Maanta oo khamiisa taariikhduna ay tahay 16-June-2022 ku yeesheen Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

1- Dood iyo falan-qayn dheer oo socotay ilaa shirkii kan ka horeeyey ka dib Goluhu waxa uu qabyo-qoraalka Xeerka Madax-dhaqameedka, ay fareen Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay dib u habayn ku soo samayso nuxurka uu Xambaarsan yahay Xeerkaasi, iyada oo  Wasaaraddu ka duulaysa dooddii iyo talooyinkii Xubnaha Golaha Wasiirradu soo jeediyeen shirarkii u danbeeyey.

2- Goluhu waxa uu ku dheeraaday xaaladda maceeshada iyo shidaalka ee qiimahoodu kor u sii kacayo marba marka ka danbaysa, kuwaasi oo Somaliland ay kala mid tahay bulshada kale ee caalamka ku nool, isla markaana wadan waliba samaynayo isku tashi Qaran. Sidoo kalena ay xaaladdii abaartu wali ka taagan tahay.

Sidaa awgeed Goluhu waxa uu go’aamiyey in la joojiso mashaariicda horumarinta ee ku jira odoroska Miisaaniyadda 2022-ka, si loo samayn karo gurmad degdeg ah haddii xaaladuhu sii adkaadaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor