Gawaari lagu xiray cod baahiyayaal oo dhex wareegaya Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta lagu arkayaa Gawaari lagu soo xiray Cod baahiyayaal kaas oo lagu kicinaayo Shacabka Garoowe.

Gawaaridaan ayaa waxaa ku xiran Sameecado laga shiday codad baraarujin ah oo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa Cudurka Shuban-Biyoodka oo maalmihii la soo dhaafay lagu arkay deegaanada maamulka Puntland.

Sidoo kale Wadooyinka qaar ayaa waxaa la dhigay Dhaqaatiir Shacabka siinaya talooyin dhanka Caafimaadka ah ku waas oo dadka u soo jeedinaya talooyin Caafimaad.

Deegaanada Maamulka Puntland ayaa waxaa xiligaan ka jira Cudurka Shuban-Biyoodka kadib abaartii SIMA, ee ka dhacday deegaanada Maamulkaas balse haatan ah mid sii yaraaneysa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media