Garsooraha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobalka Banaadir, Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Muqdisho oo uu kaga hadlay Lacag laga xaday Khasnadda Laanta Bangiga Dhexe ee Dekedda magaalladda Muqdisho.
Garsooraha waxa uu Saxaafadda u soo bandhigay Qoraal muujinaya in Agaasimaha Laanta Dekedda ee Bangiga Dhexe, Cabdi Maxamed Abuukar “Dhiileey” lagu wareejiyey Lacag dhan 204,000 oo Dollar oo ku jirtay Khasnadda Laanta Dekedda ee Bangiga Dhexe ee Somalia.
Kiiska Lacagta la dhacay ayaa la sheegay in Maxkamadda Gobalka Banaadir loo gudbiyey, wuxuuna Guddoomiyaha Maxkmaadaasi, Dr. Xaashi Cumar Nuur amray in la soo xiro Cabdi Maxamed Abuukar “Dhiileey” iyo in la hor keeno Maxkamadda.
©Radio Dalsan