Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ) ayaa ku dhawaaqday in Garsooraha Soomaaliyeed ee mudada dheer ka tirsanaa maxkamadda, Cabdulqawi Axmed Yuusuf, uu qorsheynayo inuu iska casilo xilka Garsooreyaasha ICJ, isagoo si rasmi ah uga tegi doona xilka 30-ka Sebtembar 2025.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay ICJ ayaa lagu xusay in inkastoo xilkiisu ahaa inuu socdo illaa 5-ta Febraayo 2027, haddana Garsoore Cabdulqawi go’aansaday inuu xilka ka dago laba sano ka hor dhammaadka muddadiisa.
Qaramada Midoobay, gaar ahaan Golaha Ammaanka, ayaa mas’uul ka ah jadwalka doorashada Garsoore cusub oo buuxin doona booska uu banneynayo Garsoore Cabdulqawi.
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf, oo ah muwaaddin Soomaaliyeed, waxa uu xubin ka ahaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka tan iyo 6-dii Febraayo 2009. Intii uu ka tirsanaa ICJ, waxa uu sidoo kale soo qabtay xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Maxkamadda (2015–2018) iyo Madaxweynaha Maxkamadda (2018–2021).
Maxkamaddu ma aysan shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa is-casilaaddiisa.