Garsoore amray in Baaritaan cusub lagu sameeyo Saxafiyiin  24-sanno ka hor lagu dilay Muqdisho

Garsoore ka tirsan Maxkamad ku taalla Caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome waxa uu laalay ayaa muddo 180 maalmood ku kordhiyey Hawlgalka Baaritaanka Cusub ee KiiskII lagu dilay Saxafiyad la oran jirey Ilaria Alpi iyo Sawir-qaade Miran Hrovsain, kuwaasi oo bishii Maarso 20-da ee sannadkii 1994-kii lagu dilay magaalladda Muqdisho.

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inuu Garsoorihii bilaabay Baaritaanka Kiiskaasi uu ku gacan sayray Codsi ay Dembi-baarayaasha ku doonayeen in Kiiskaasi la joojiyo.

Garsooruhu waxa uu 180 maalmood u qabtay inay Baraayaasha ku soo gebagebeeyaan Baaritaanka Cusub ee Kiiska dilka 3-da Saxafi.

Warbaahinta Talyaaniha waxay horey u qoreen inay dabley ka koobnaa 7 qof ay ka dambeeyeen dilka Saxafiyadda Ilaria Alpi oo 32 jir ahayd iyo Sawir-qaade Miran Hrovsain oo 45-jir ahaa.

 Dhinaca kale, Ilo dhinaca Garsoorka dalkaasi waxay Bishii April ee la soo dhaafay sheegen inay hayaan Codad Cusub oo la duubay, oo horseedi kara in dib loo bilaabo Kiiska dilka Suxufiyiintaasi.

Codadkaasi ayaa la sheegay in sannadkii 2012-kii laga duubay dad Soomaali ah oo ku sugan gudaha Talyaaniga, kuwaasi oo ka wada sheekeysanayey dilka Labadaasi Saxafi ee lagu dilay Somalia.

Ilo Garsoore ayaa sheegay inuu Dacwad-ooge ku sugan magaalladda FLORENCE duubay Codadkaasi, iyadoo 15 qof oo 4 ka mid ah Soomaali yihiin lagu hayo Baraitaanka arrintaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Kiiska dilka Suxufiyiintaasi waxaa horey loogu xiray Muwaadin Soomaali oo lagu magacaabo Xaashi Cumar Xasan, kaasi oo markii dambe lagu waayey, inkastoo uu soo dhamaystay ku-dhawaad 17-sanno oo Xabsi ah

 Bishii Maraso 30-dii waxaa Xaashi Cumar Xasan la siiyey magdhow lacageed oo dhan 3 million oo EURO, balse, Qareenkiisa ayaa sheegay inaysan Lacagtaasi u qalmin muddadii dheereyd ee uu sida xaq-daradda ah ugu xirnaa Talyaaniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor