Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne oo xirmay iyo sababta keentay

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay Roobab mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada Magaalada.

Roobabkii ka da’ay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu saameyn ku yeeshay duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Airport, isla markaana uu xirmay.

Wariyeyaal ku sugan Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in Garoonka diyaaradaha ku rogmadeen daadad biyo badan watay, kuwaasi oo ka hooray ah roobabkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’day halkaas.

Madaxa Garoonka Ugaas Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa Carabka ku dhuftay inay rajeynayaan in 48-saac gudahood uu ku furmo Garoonka, ayna dib u bilowdaan duulimaadyadii  Garoonka oo hakad ku jira.

Inta badan xiliyada ay roobabka ka da’aan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saameyn ku yeesha isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee isaga kala goosha deegaano ka tirsan Gobolkaas, isla markaana waxaa xirma Garoonka diyaaradaha Magalada Baladweyne.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media