Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso e Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada ilaalada Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ay xayireen  Diyaarad siday Boorsooyin oo ay la socdeen saraakiil ka socotay dowladda Imaaraadka.
Illo xog-ogaal ah Dalsan waxa ay u sheegeen in Diyaaradaas ay la socdeen Saraakiil tababarayaal ah oo u dhashay Imaaraadka,isla markaana ciidamada Puntland ay ka shakiyeen Diyaarada oo sida Boorsooyin,isla markaana Saraakiisha Imaaradka ay diideen in la baaro.
Saraakiisha Imaaraadka ee tababarayaasha ah ee diyaarada la socda iyo kuwa puntland aya isku fahmi waayey in baaritaan lagu sameyo Boorsooyinka ay wado,xili 8,dii Bishaan Muqdisho lagu qabtay diyaarad siday Lacag ka timid Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan ka jirta Garoonka Diyaaradaha Magalada Boosaaso,waxan Saraakiisha ciidamada Puntland ee Garoonka ku sugan ay diideen in Boorsooyinkaas oo aan la baarin in Magalada inteeda kale loo gudbiyo.