Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya ayaa xalay saqdii dhexe fal dhac ah ka geystay hoy la seexdo oo ku yaalla wadada labaad ee Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii Magaalada Nairobi.
Wararka laga helayo Xaafada Islii ayaa wxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dhacay labada Nin oo gacansato ah,kuwaasi oo heystay lacag lagu qiyaasay 60,000 oo dollar.
Weerarka dhaca ayaa waxaa geystay 6 qof oo saddex kamid ah ay yihiin Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Keyna,waxaana la sheegay in la soo xiray Askarta halka mid kalena uu baxsaday.
Booliska Kenya ayaa waxaa uu sheegay in Askarta loo xiray falka dhaca ah,sidoo kale lala xiray Nin u dhashay dalka Cameroon oo ku hubeysnaa,kaasi oo la qabtay xiliga uu dhacayay falkaas burcadnimada ah.
Labada ganacsade ee la dhacay ayaa weli la shaacin magacyadooda iyo dalalka ay u dhasheen.
Sidoo kale Ganacsata ayaa waxaa ay sheegeen in xalay guriga loogu soo jabiyay,isla markaana ay qol ugu soo galeen 6 ruux oo hubeyan,iyagoona lagu armay inay soo wareejiyaan lacagta Kaashka ah ay heystaan,isla markaana sidaas looga qaatay 60,000 oo dollar.