HomeWararGanacsatada Qaadka Kenya oo uu khasaarihii ugu weynaa  maanta ka soo gaaray...

Ganacsatada Qaadka Kenya oo uu khasaarihii ugu weynaa  maanta ka soo gaaray Qaadkii la keeni jirey Somalia.

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Shan Diyaarad oo uu ku rarnaa Shixnad Qaad oo loo soo waday magaalladda Muqdisho ayaan maanta ka soo duulin Garoonka Wilson Airport ee magaalladda Nairobi, kadib markii ay Dowladda Federalka si KMG u joojisay Diyaaradihii Qaadka ka keeni jirey dalka Kenya. Wargeyska maalinlaha ee The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa maanta qoray in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shan Diyaarad oo uu ku rarnaa Shixnad Qaad oo loo soo waday magaalladda Muqdisho ayaan maanta ka soo duulin Garoonka Wilson Airport ee magaalladda Nairobi, kadib markii ay Dowladda Federalka si KMG u joojisay Diyaaradihii Qaadka ka keeni jirey dalka Kenya.

Wargeyska maalinlaha ee The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa maanta qoray in Shixnadda Qaadka ee ku raran Diyaaradahaasilagu qiimeeyey lacag dhan 60 million oo Shillinka Kenya.

- Advertisement -

Kimathi Munjuri oo ah Afhayeenka Ururka Ganasatadda Qaadka Nyambene Miraa Traders Association ayaa u sheegay Wargeyska The Nation inuu Khasaaruhu ka sii badan karo Qaadkii loo iib geyn jirey Somalia.

Waxa uu tilmaamay  inay Shixnadaha Xamuulka weli yaallaan Garoonka Wilson Airport, halka Qaad kalena uu dhooban yahay Xaafadda Islii, iyadoo shixnado kalena dib loogu celiyey Gobalka Meru oo ay ku yaallaan Beeraha ugu badan ee Qaadka Kenya.

Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay jiraan Diyaarado Qaad waday oo maanta ka degay Garoomadda Diyaaradaha Somaliland, Gaalkacyo iyo Bosaaso.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Ganacsatada Kenyanka ee DFiyaaradaha Qaadka maalin kasta u soo diri jireen gudaha Somalia waxay maanta u tahay Maalin Ayaan Daran ah, maadaama aysan helin macaashkii badnaa ee uga soo xeroon jirtay  Diyaaradaha  Qaadka ee ay maalin kasta u daabuli jireen Gudaha Somalia.

Ilaa 14 Diyaaradaha Yaryar ee nooa FOKERKA ayaa waxay maalin kasta Qaad u soo daabuli jireen Somalia, iyadoo Diyaarad kasta lagu soo rari jirey 90 Jawaan oo lagu soo cabeeyey Qaadka.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts