Ganacsatada Koonfur Afrika oo lagu eedeeyey inay u hanjabaan Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa kale.

Ururada Ganacsaatada Waqooyiga ee dalka Koonfur Afrika The Northern Businesses Associations  (NORBA) waxay bishan May 3-dii soo saareen qoraal ay Ganacsatada shisheeyaha, gaar ahaan kuwa Soomalaida inay goobahooda ganacsiga albaabadda u laabaan ugu dambeyn bishan May 17-da oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo socotaa.

Digniintaasi oo ay Warbaahinta dalkaasi dabaceen ayaa waaxa uu dareen ku abuuray Qaxootiga iyo Ganacsatadda Shisheeyaha ee goobaha Ganacsiga ku leh Goballadda Waqooyi ee dalkaasi.

Golaha Jaalliyadda Soomaalida ee Gobalka KuwaZulu Natal (The KwaZulu-Natal Somali Community Council oo loo soo gaabiyo (KZNSCC) waxay qeylo-dhaan ka keeneen Digniintaasi, waxayna ugu baaqeen Boliska iyo Hoggaamiyayaasha Deegaaanka inay soo farageliyaan arrintaasi, si aysan mar kale u dhicin Colaad ku salaysan Isir-nacaybka lagu beegsanayo dadka shisheeyaha ee ku nool dalkaasi.

Xoghayaha Ururka Ganacsatadda NORBA oo lagu magacaabo Mlungisi Mncube ayaa sheegay inay Ganacsatada shisheeyaha Dhismooyin Ganacsi oo waa weyn dhistaan, kuwaasi oo beec-xir ku sameeya goobaha Ganacsiga ee Dadka Deegaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Odayaasha Deegaanka iyo Boliska ayaa sheegay inay  berrito Kulan kale u qaban doonaan Ganacsatadda Reer Koonfur Afrikaanka ee ka tirsan Ururka (NORBA) si loo xaliyo Khilaafka ka dhex taagan Gnaacsatadda Deegaanka iyo kuwa shisheeyaha.

Kulankaasi waxaa ka qeyb geli doona Madax ka tirsan kuwa Deegaanka, Milkiilayaasha heerka leh ee leh Dhismooyinka waa weyn ee Ganacsiga iyo Wakiilo ka kala socda Ganacsatada shisheeyaha oo ay ka mid yihiin Soomaalida iyo Ethiopianka iyo Wakiilo ka socda Ganacsatada Deegaanka.

Kulankaasi ayaa rajo laga qabaa in xal loo heli doono xiisadda ka taagan taagan Deegaanadda ku teedsan Gobalka Northern Durban.

Sannadkii 2915-kii, Muwaadiniinta shisheeyaha ee ku ganacsata Gobalkaasi waxay la kulmeen Dagaal iyo boob, waxayna qalalaasahaasi ku faafeen  Mujtamacyo kale oo ku nool Degmooyinka ay ka midka yihiin Inanda, KwaMashu iyo Ntuzuma.

Sidoo kale, sannadkii 2008-dii, dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay falal Isir-nacayb ah, waxaana dil iyo boob loo geystay Ganacsato Afrikaan oo ay ku jireen Ganacsato Soomaali ah.

Si kastaba ha ahaatee,  139 Gnaacsato Soomaali ah ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay dalka Koonfur Afrika sannadkii hore ee 2017-ka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media