Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu Afduubtay gudaha Kenya iyo Baaritaano socda

Muwaadin Soomaaliyeed oo Ganacsade ah laguna magacaabo Maxamad Xasan ayaa waxaa 23-kii bishan Diseembar ee 2021 laga afduubtay gudaha Ismaamulka Machakos ee dalka Kenya, xili uu ku sugnaa Machakos Junction.

Ciidanka Booliska ee Ismaamulka Machakos ee Kenya ayaa wada baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan Ganacsade Maxamed Xasan oo la sheegay inay afduub u geysteen koox hubeysan oo aan heyntooda la garan.

Ciidanka Booliska Kenya ayaa Ismaamulka Machakos ka wada howlgalo ay ku raadinayaan Maxamed Xasan oo kamid ahaa Ganacsada kunool halkaas, isagoo laga afduubtay, xili uu joogay Isgoyska Ismaamulka Machakos.

Qaar ka mid ah xubnaha qoyska Maxamed oo warbaahinta uga warbixiyey qaabkii loo afduubtay ayaa dowladda Kenya ka codsaday inay meel ku sheegto Ganacsade Maxamed, haddii uu dembi galeyna Maxkamadda la soo taago.

Ilaa iyo hadda lama oga sababtay keentay afduubka lagula kacay Muwaadinka Soomaaliyeed ee goob Ganacsi ku leh Ismaamulka Machakos ee Kenya, sidoo kalena lama oga halka lala aaday Maxamed Xasan, balse ay socdaan baaritaano kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor