Ganacsade Somali oo ku tilmaamay dalka Koonfurta Afrika cadaabtii Adduunka

Ganacsade Bashiir Mohamoud oo ka mid ah Ganacsatadda Soomaalida ku nool dalka Afrika ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu xalay naftiisa kala soo baxsaday Burcad Koonfur Afrikaan ah oo bililiqeysatay goobtiisa ganacsi oo ku taalla magaalladda Darbin.

Bashir Mohamoud oo 27-jir ah ayaa u sheegay Shabakadda Wararka ee  News24.com inuusan muddo lix maalmood hurdin, isagoo ka cabsanayey inay dhac iyo dil u geystaan Burcadda maalmahan boobka ku haya Hantida Shisheeyaha ku nool dalkaasi.

“Dowladda Koonfur Afrika waxay sheegeen inay halkan nagu soo dhaweynayaan, laakiinse taasi run ma ah. Dadkan waxay qaadanayaan shay kasta iyo noloshaada” ayuu yiri Ganacsade Bashiir Mohamoud.

Waxa uu intaasi ku daray inay Koonfur Afrika noqotay cadaabtii adduunka.

Dhinaca kale, Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Koonfur Afrika, ayaa ka codsatay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalkaasi in taageero laga siiyo sidii dadka Soomaalida looga daad-gureyn lahaa rabshadaha ka soo cusboonaaday dalkaasi.

Soomaalida ku nool dalkaasi ayaa iyagna bilaabay inay ka soo cararaan dalkaasi, oo ay samaayn ku yeesheen falalka Isir-nacaybka ee lagu ugaarsanayo Shisheeyaha, gaar ahaan Ganacsatadda u dhalatay Somalia iyo Ethiopia.

Boliska Koonfurta Afrika ayaa sheegay inay xireen 28 qof oo lagu eedeynayo inay ku lug leeyihiin bililiqo dhimasho sababtay oo lagula kacay Shisheeyaha ku ganacsada Bariga Gobalka Kuwazuluu Nataal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor