Ganacsade lagu dilay Magaalada Garoowe iyo faah faahin kasoo baxeysa

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in barqanimadii maanta halkaas lagu dilay Nin kamid ahaa Ganacsatada iyo waxgaradka Caasimadda Puntland.

Ciidamo hubeysan oo ahaa Canshuur qaadayaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyada ee Puntland ayaa toogtay Maxruumka, xili uu ku sugnaa goob Ganacsi uu lahaa, waxaana goobta isaga tegay tegay Ciidankii hubeysnaa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askartan falka geysatay ay doonayeen in ay Ganacsato kale xoog kaga qaadaan lacag ay sheegeen in ay tahay Canshuur lasoo amray.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Siciid Aw Yuusuf, isla markaana kamid ahaa ganacsatada iyo waxgaradka Magaalada Garoowe.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Puntland iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyada ee Maamulkaas oo ay uga hadlayaan dilkii loo geystay Ganacsade Cabdulqaadir Siciid.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media