HomeWararGanacsade Abuukar Cumar Caddaan oo Xabsi Guri laga dhigay

Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo Xabsi Guri laga dhigay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciidamo ka tirsan kuwa hay’adda Nabadsuga iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kala baxay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan. Sababta loo xiray Ganacsade Xaaji Abuukar ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin  Al-shabaab, xili uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa hay’adda Nabadsuga iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kala baxay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.

Sababta loo xiray Ganacsade Xaaji Abuukar ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin  Al-shabaab, xili uu wareysi siiyay mid kamid ah idaacaddaha ku yaalla Muqdisho.

- Advertisement -

Sidoo kale Abuukar Cumar Caddaan ayaa sheegay inuu qabo fikir ah in la baaba’sho waxa uu ugu yeeray Gaalada Gafuurka weyn oo ugala jeeday Ciidanka midowga Afrika ee AMIOSM ku sugan Xerada Xalane ee dhex-taalla Garoonka Aadan Cadde.

”Al-shabaab waan taageersanahay mabda’ ahaan raali ayaana ka ahay in la baaba’sho gafuurta weyn ee ku jira xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Ganacsade Abuukar.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Xaaji Abuukar Cumar Caddaan la geeyay guri ay ku ilaalinayaan Ciidamo ka tirsan hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA, wararka ayaa sheegaya in loo ogolaaday dadkii u adeegi lahaa.

- Advertisement -

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska hay’adda NISA iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan xariga Ganacsade Abuukar Caddaan, xili dhawaana la xiray ganacsade kale oo la dhashay Xaaji Abuukar.

Ganacsade Abukar Cumar Caddaan ayaa ku biiraya Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo wadaadka Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay dowladda Federaalka Soomaaliya xabsi guri ku heysay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts