Galmudug oo shaacisay in lagu kala tagay waan-waantii Farmaajo iyo RW Rooble

Shirarkii socday maalmihii lasoo dhaafay ee xalka loogu raadinayay khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa waan-waanta ka dhex waday Farmaajo iyo Rooble, waxaana kulamo saacado badan qaatay ay la yeesheen labada Mas’uul, si loo xaliyo khilaafka jira, loona dejiyo xiisada, hayeeshee kulamadii socday ayaa lagu kala tegay habeenkii xalay aheyd.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Galmudug Cumar Shido oo kamid ah Guddi dhex-dheaaxdinta ka dhex waday Farmaajo iyo Rooble ayaa shaaciyay in dadaaladii lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka Madaxda lagu tagay, isla markaana fashilmeen.

Qoraal uu soo saaray Cumar Shido ayuu ku sheegay in garabka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay muujiyeen tanaasul badan, balse dhanka Madaxweyne Farmaajo lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wadahadaladii socday xalay ay istaagaan.

Waxaa uu sheegay Wasiiru dowladaha Madaxtooyada Galmdug in Guddoomiye Maxamed Mursal iyo Madaxweyne Qoorqoor ay dadaal badan oo qaatay ku dhawaad 10 saacadood ku bixiyeen sidii loo xalin lahaa khilaafka Madaxda oo salka ku haaya kiiska Ikraan Tahliil iyo awoodaha sharciga.

“Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan” ayuu yiri Cumar Shido.

Si kastaba Farmaajo ayaa la sheegay inuu doonayo in uu shaqeeyo Taliyaha uu NISA u magacaabay ee Yaasiin Fareey, isla markaana Wasiirka amniga ee Cabdullaahi Maxamed Nuur laga wareejiyo Wasaaradda amniga, hayeeshee RW Rooble uu kasoo horjeedo Arrimahaas, uuna Rooble rabo inuu xilka NISA sii haayo Bashiir Gooble uu u magacaabay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor