Galmudug oo qorshe ka dajisatay shacabkii ka barakacay Guriceel

Maamulka Galmudug ayaa wada dadaallo ay ku doonayaan in magaalada Guriceel ay dib ugu soo celiyeen shacabkii ka qaxay ka dib dagaalkii khasaaraha dhaliyey ee halkaa ka dhacay.

Guddi uu madaxweynaha maamulkaasi u saaray gargaarka dib u dajinta dadkii hlkaa ka barakacay ayaa haatan sheegaya in ugu yaraan 80% ay shacabkii magaalada dib ugu soo noqdeen isla markaana ay wadadaan dadaallo dadkaas loogu gurmanayo.

wasiirka gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawi) oo ka hadlay qorshayaasha kaga degsan maamulkaasi dadka barakacay aya waxaa uu sheegay in gar-gaar uu kasoo gaaray dowladda dhexe, kaasi oo shacabka lagu caawinayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor