Galmudug oo Maanta lagu wareejiyay gaadiid dagaal iyo Maleeshiyaad

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmihii lasoo dhaafay socdaal ku marayay Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxa Magaalada Cabudwaaq kula wareegay Gadiid dagaal iyo Maleshiyaad.

Gadiidka Maanta  lagu wareejiyay Madaxweynaha iyo Ciidanka waxay ka mid noqonayan Ciidamada Darwiishta Galmudug. Odayaasha iyo Saraakiisha mid kamid ah beelaha dega Galgaduud ayaa Madaxweyne ku-xigeenka u sheegay in maanta wixi ka dambeya ay gadiidkas ku wareejiyeen Galmudug.

Odayasha ayaa  sidoo kale waxaa ay sheegeen in maalmaha soo socda ay wareejin doonan qaybta labaad ee gadiidkii ay lahaayeen, isla markaana haatan lagu wado dayaactir.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa Beesha uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen Galmudug waxaa uu sidoo kale ugu baqay Beelaha kale ee Waqayiga Galgaduud in ay iyagana soo wareejin qalabka ay hayaan.

Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in dhawaan wafdi ka socda Wasaaradda amniga Maamulka ay tegi doonaan Magaalada Cabudwaaq, kuwaasi oo uu tilmaamay inay la wareegi doonaan qeybta labaad ee gaadiidka iyo ragga maleeshiyaadka ahaa.

Comments
Loading...