Galmudug oo laga diiwaan-geliyay Kiisaskii ugu badnaa ee COVID-19

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inuu geeriyooday hal qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 88 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 17 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.

10 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, Somaliland 29 Ruux, Puntland 2 qof iyo Galmudug 47 Qof, waxaana 71 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17 xaaladood oo kale.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen  1,916 Qof, waxaa ka bogsooday 327 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 73

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media