Galmudug oo dib ula wareegtay Xaruntii Cabdiweli Cilmi Yare

Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa saaka kormeer ku tegay Xaruntii Haweenka Magaalada Gaalkacyo oo in mudda ah gacanta ugu jirtay Xirtii Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo Qarax lagu dilay.

Wasiir Fiqi ayaa waxaa uu sheegay Xaruntaas oo aheyd tan Hweenka Gaalkacyo uu maamulka Galmudug dib ula wareegay, isla markaana waxaa la geeyay Ciidamo ka tirsan Booliska maamulka, iyadoo lagu sameeyay dib u dhis ballaaran.

Xaruntaan iyo Xarumo kale oo dhowr ah oo Bulshada leedahay ayaa waxaa muddooyinkii dambe gacanta ugu jirtay Dad shaqsiyaad ah, hayeeshee inta badan Xarumaha Maamulka ee ku yaallay Gaalkacyo ayaa dib loo soo celiyay.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa horey u shaacisey in dib Gacanta Maamulka lagu soo celinayo Xarumihii ay heysteen dad shaqsiyaad,  si Bulshadii loogu talagalay loogu adeego.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media