Mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta kulan ku yeeshay deegaanka taaroge ee Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, halkaas oo shalay dagaal xoogan uu ku dhexmaray Maleeshiyo beeleed kasoo kala jeeda labada dhinac.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dagaalkii shalay oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, kaasi oo salka ku haayay dhul-daaqsimaad iyo dilal aano qabiil.
Kulankaas ka dhacay deegaanka taaroge ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Senatar Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid iyo Odayasha dhaqanka labada maamul ee u istaagay sidii loo joojin lahaa colaada soo cusboonaatay.
Labada maamul iyo Odayasha dhaqanka ayaa ugu dambeyntii waxaa ay ka gaareen dagaalkii shalay laba qodob oo kala ah.
1-Xabad joojin labada dhinac ah iyo in la sameeyo guddi ka kooban 14 xubnood oo labada dhinac kala matalaya si loo bilaabo wada hadalo horay loogu balansanaa.
Maalinta berrito ah ayaa lagu wadaa in guddiyada la sameeyay ay si rasmi ah ugu wada hadlaan dhameynta dagaalada ku soo laab laabta deegaankaasi.