HomeWararGalmudug iyo Dowladda Federaalka oo ka shiray xaaladihii ugu danbeeyay ee Abaaraha

Galmudug iyo Dowladda Federaalka oo ka shiray xaaladihii ugu danbeeyay ee Abaaraha

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa ka qeyb galay shirwayne diiradda lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta Bini’aadanimo ee ka dhalatay oo ka dhacay Madaxtooyada Galmudug.

Shirka ayaa waxaa marti ku ahaa Ergeyga Gaarka ah ee DFS u qaabilsan arrimaha Bini’aadanimada Abdirahman Abdishakur Warsame, oo gaaray magaalada Dhuusamareeb kadib safar dhulka ah oo uu kusoo maray qeybo ka mid ah deeganada Galmudug.

Waxaa sidoo kale shirka goobjoob ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, Xeer ilaaliyaha Galmudug, guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug, Xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug, ganacsatada, culimada, dhalinyarada iyo haweenka Reer Galmudug.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug oo soo qabanqaabisay shirka ayaa warbixin guud ee xaalada abaaraha kusoo bandhigtay shirka, ayadoona lagu gorfeeyay deegaanada iyo dadka ay abaarta saameesay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu danbeyntii baaq u diray qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Galmudug ee ku sugan dalka iyo dibadiisa, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan caawinta iyo garab istaagga walaalahood ay abaartu saameysay, iyadoo la saadaalinayo in biyo la’aantu kasii dari karto bilaha soo socda.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories