Sawirro:-Galmudug iyo Ahlusunna oo Midoobay

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirkii lagu dhameystirayay heshiiska u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu suna.

Shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo yahay iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay hirgelinta heshiiska,islamarkaana si wadajir ah looga wada shaqeeyo midnimada Shacabka Galmudug.

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kula dar daarmay dhinacyada Galmudug ee maanta heshiiska taariikhiga ah kala saxiixday iyo guud ahaan shacabka in la hormariyo Galmudug cadawgana halmeel looga soo wada jeesto waxaa uu madaxweynuhu amaanay kartida ay muujiyeen Ahlu sunna iyo Galmudug labaduba.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa si rasmi ah looga taagay calanka maamulka Galmudug,waxaana madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb ka shaqa bilaabaya madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Dhinaca kale Ciidamada ku jira Xerada 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb oo ka tirsan Ahlu suna ayaa lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya,waxaana maanta booqday madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka.

Hoos Ka Daawo Sawirrada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media