Gabar isku dal-dashay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Gabar dhalinyaro ah oo Maanta oo sabti ah isku dal-dashay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Deyliine ee Gobolka Banaadir, sida wararka ay ku heshay Idaacadda Dalsan.

Gabadhaan oo 15 sano jir aheyd ayaa kunooleyd Xaafada saban-saban ee degmada  Deyniile, isla markaana is dal-dashay, kadib markii xariga qoorta isaga xirtay, sida ay sheegeen dad dul-tegay Meydkeeda.

Sidoo kale Gabadhan ayaa kamid aheyd dadka Baracayaasha ah, waxaana lagu magaceeda lagu soo gaabiyay oo kaliya Farxiyo, iyadoona markii hore guriga loogu tagay, iyada oo meyd ah oo qoorta xariga uga jiro.

Ehelada gabadhan is dal-dashay ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta rasmiga ah ee gabadhan isku dal dashay, waxa ayna sheegeen in kaliya ogaayeen gabadhan oo hooyadeed ku cadaadineysay in telefoon u gado hooyadans u sheegtay in aysan awoodin.

Dhacdadaan ayaa Maanta siweyn waxaa looga hadlayaa xaafadda saban-saban ee degmada  Deyniile ee Magaalada Muqdisho, waxaana dadka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay falkaas aad uga naxeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media