Gaari Qaad siday oo lagu weeraray duleedka degmada Balcad

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga qaad siday lagu weeraray deegaanka Ilbiq oo u dhow Tuulada gololeey ee degmada Balcad.

Gaarigaan oo ka tegay Magalada Muqdisho ayaa qaadka u waday Magalada jowhar,waxana la sheegay in rag hubeysan ay wadada u galeen,isla markaana ay rasaaseeyeen.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay rasaasta lagu furay gaarigaas,waxana wararka qaar ay sheegayaan in dadkii saarnaa oo Ganacsatada qaadka ahaa ay dhaawacmeen.

Mas’uliyiinta Maamulka degmada Balcad iyo kan Gobolka Shabeellaha Dhexe kama hadlin weerarkaan ka dhacay duleedka degmada Balcad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor