Gaalkacyo: Xildhibaan lagu weeraray magaalada Gaalkacyo oo ka badbaaday Dil

Warar laga helayo magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku waramaya inuu isku day Dil ka badbaaday xildhibaan Cabdi-fitaax Xuseen Aloore oo kamid ahaa golaha deegaanka ee Gaalkacyo.

Xildhibaankaas ayaa Xalay lagu weeraray gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kadib kooxo Bastoolado ku hubeysan oo weerar ku qaaday ay isku dayeen inay Dilaan xildhibaan Aloore.

Dadka degaanka ayaa Radio Dalsan u sheegay inuu dhaawac ka soo gaaray weraarkaas xildhibaanka oo la geeyey Isbitaalka magaalada Gaalkacyo, oo lagu daaweynayo.

Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa ahaa wayaadaan Danbe mid aan xasilooneen,waxaana magaaladaas ka dhacayey falal lidi ku ah amaanka, iyadoo waqooyiga Gaalakcyo dhawaan lagu dhaawacay Xildhibaan Bootaan oo kamid ahaa Baarlamaanka maamulka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media