Gaalkacyo: Gudoomiyaha Mudug oo ka hadlay Xaaladda Caafimaad Xildhibaan shalay lagu dhaawacay Gaalkacyo

Xassan Maxamed Khaliif gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad xildhibaan katirsanaa baarlamaanka Puntland oo shalay qarax gaari uu ka soo gaaray dhaawac Culus.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee xildhibaan Cabdiqaadir Bootaan ay soo hagaageyso,islamarkaana dhaqaatiirtu ay ku dadaalayaan sidii uu u bogsan lahaa xildhibaanka.

Gudoomiye Khaliif ayaa sheegay inay socdaan baaritaano ku aadaan qarixii  shalay ee magaalada Galkcyo,ciidamaduna ay wadaan howlgalo, si loo soo qabto kooxihii ka danbeyey falkaasi lagu dhaawacan xildhibaan Bootaan.

Gaalkacyo maalmihii aanu soo dhaafnay waxaa ka dhacayey falal lidi ku ah amaanka magaaladaasi,sida dilalka qorsheysan,waxaana saraakiisha ciidamada Galkacyo ee Puntland ay sheegeen inay ka hortagi doonaan falalka amaan darri ee magaaladaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media