Fu’aad Shongole oo beeniyey in Itoobiya ku dishay dagaaladii ka dhacay degaanka Caato

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf Shangole oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ayaa beeniyey in lagu dilay dagaalladii ka dhacay todobaadkii hore deegaanka Caato oo ka tirsan Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Cod laga soo duubay Shongole oo lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab ayuu ku sheegay inuu nool yahay, uuna caafimaad qabo, isla markaana xusay in Ciidanka Liyuu Boolis ay Al-shabaab kala kulmeen iska caabin xoogan oo khasaaro dhaliyey.

Wuxuu sheegay Sheekh Fu’aad in dagaalo socday dhowr saacadood oo xiriir ah ka dhaceen degaanka Caato, isagoona xusay in markii uu dagaalka cuslaaday ay Liyuu Boolis ka dalbeen gurmad diyaaradah dagaalka Ciidanka Itoobiya.

Itoobiya ayaa sheegtay maalintii Jimcihii inay dishay saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ka mid yihiin Fu’aad Shongole iyo Afhayeenka  Al-shabab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab.

Codka ayuu ku xusay dagaalkii ka dhacay 30-kii Juulaay magaalada Caato, iyo warka kasoo baxay Itoobiya.

Khasaaro aad u farabadan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladii dhexmaray Ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-shabaab, waxaana Shabaabka ay sheegeen in dagaalkii dhacay Jimcihii lasoo dhaafay ku dileen in ka badan 150 Askari.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor