Filim qaade ka tirsanaa Idacada Codka Ciidamada oo ku dhintay qarax ka dhacay Awdheegle

Sida idacada dalsan ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan milatariga Somalia waxaa weerar ismiidaamin ah saakay lagu qaaday saldhig ciidamada Kumaandooska Somalia ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dhinaca kalana warar hor dhac ah ayaa sheegay in qaraxa ismiidaaminta ah uu ku geeriyooday Gacal Cabdulle oo ahaa filim qaade ka tirsanaa Idacada ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah weriyaasha warbaahita Codka ciidamada oo aan la hadalnay ayaa xaqiijiyay geerida allaha u naxariistee Gacal Cabdulle oo muuqaalada gaarka ah iyo sawirada u qaadi jiray warbaahintaas.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media