Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ay Kalsoonidii kala noqdeen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe, iyagoona eedeeyn kulul u jeediyay.
Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Somaliland oo soo saaray Qoraal ayaa waxaa ku shaaciyeen in Xildhibaanada Golaha Wakiilada ay kalsoonidii iyo wadashaqeyntii kala noqdeen Guddoomiye Feysal Waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada waxaa ay ku eedeeyeen inuu jebiyay Dastuurka u yaalla Somaliland, isla markaana uu halis ku yahay nabadda iyo midnimada dadka maamulkaasi.
Sidoo kale Feysal Cali Waraabe ayaa waxaa la sheegay inuu yahay Mas’uul aan ixtiramin, sidoo kalena ku dhaqmin dastuurka Somaliland, taasi oo keentay markii dambe in kalsoonidii iyo wadashaqeyntii lagala noqdo.
Ugu dambeyn Guddida ayaa ku baaqay in Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland ku soo oogo denbiyo uu ku eedaysan yahay Eng Feysal Cali oo ay ka mid yihiin in uu Abuuray kicin dadweyne iyo iska horkeenka Bulshada Somaliland.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Guddiga.