Dalka Koonfurta Kuuriya: Ma noqon sidaan mooday! (Warbixin wadata Macluumaad & Cajaa’ib)

Marka aad maqasho Kuuriya (South Korea) waxaa markiiba kugu soo dhacay telefoonka Samsug ee caanka ah iyo dadka ay Soomaalida u taqaan indho-yar, waxaa kaloo maalmahan la hadal hayaa cabsida ka jirta in dagaalweyne saddexaad uu dunida ka qarxiyo wiilka da’ yar ee ka taliya dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un.

Iyadoo aan ka mid ahaa dadka cabsida ka qabay dagaal ka dhex bilaaban kara dalalka ku yaalla Aasiyada fog sida Waqooyiga Korea, Koonfur Korea iyo Japan oo xulufo la ah Mareykanka  ayuu socdaalkeyga dalka Koomnfurta Kuuriya ku soo beegmay xaaladdaas welwelka leh, laakiin waxaa xaqiiqsaday inaysan xaaladu ma noqon sidi aan moodayo marka aad dibadda ka joogto xaajada. Warbixintan ku eegayaa wixii aan kala kulmay socdaal aan ku tegay dalka Koofurta Kuuriya oo xilligan aan qoraalkan qorayo weli ku suganahay.

Safarkeyga duullimaadka wuxuu ka soo bilowday magaalladda Muqdisho, waxaan ku hakaday garoonka magaalada Istanbul ee Caalamiga ah Ataturk International Airport ee dalka Turkiga oo diyaaradii aan la socday ay ku hakatay, anigoo ugu danbeyn ka degay gaaray halkii aan ku socday ee Garoonka caalamiga magaalada Seoul, dalka Koonfurta Kuuriya ee ee Incheon, wuxuuna duullimaadkaasi qaatay muddo 12-saacadood ah.

Garoonka diyaaraaha Calaamiga ah ee Incheon Airport

 

Inkastoo safarkeygu ka danbeeyay casuumaad shirar, tababar iyo kulamo ganacsi ee dhinaca Warbaahinta oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Korea Radio Promotion Association, haddana waxaan jecleystay inaan qormadan idinla wadaago, si aad wax badan uga ogaataan dalkan Koonfurta Kuuriya iyo xaaladiisa dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed.

SIYAASADDA

Dalka K/Kuuriya wa dal furfuran oo Dimuqraadi ah, wuxuuna Isbahaysi la yahay Maraykanka iyo Japan. Muddo 35 sano ah waxaa dalkan xukumayay Japan oo qabsadatay sanadihii (1910 -1945).  Dagaalkii labada Kuuriya ee 1950-1953 dalkan wuxuu ahaa mid faqri iyo colaad ay burburiyeen, waxayse awoodeen inay ka soo kabtaan oo weliba dunida ugu hormaraan.

Nidaamka doorashada ku dhisan ee dimoqraadiga K/Kuuriya waa mid isbedel badan oo madax badan la riday iyagoo aan mudadooda xilka dhammeysan, dadka dalkani waa xasaasi aan madaxdooda u cafin khalad yar, iyagoo wadooyinka u soo baxa tirooyinka ugu badan boqolaal kun.

Decembar 2016 waxaa mooshin xilka looga tuuray haweeneydii madaxweynaha ka ahayd dalkan ee Park Geun-Hye kadib markii saaxiibteed ay u ogolaatay inay awoodeeda u adeegsato laaluush ay ka qaadatay shirkado ganacsi.

Dalka Koonfurta Kuuriya: Ma ahan sidaan mooday

 

Hadda waxaa dalka madaxweyne ka ah Moon Jae-in oo ka soo jeeda xisbiga Bidix Dhexe oo la doortay bilo yar ka hor, waa May, 2017 May, isagoo balanqaaday inuu xalin doono khilaafka kala dhaxeeya Waqooyiga Kuuriya.

Xilligan oo laga walaacsan yahay hanjabaada wiilka yar ee Hoggaamiyaha W/Kuuriya, caasimadda  dalkan ee Seoul oo 10 Milyan oo qof ku nool yihiin (Waxay u dhiganta dadka Soomaalida oo dhan) waxay 30 Meyl (45) oo qura u jiraa xuduudka Waqooyiga Kuuriya, sidaasoo ay tahayna ma arkeysid cabsi dagaal ah oo laga dareemayo halkan.

Waxyaabaha aan la yaabay waxa ka mid ah iyadoo gantaalaha Waqooyiga Kuuriya rideyso sida weyn aduunyada u hadal heyso ayaa halkaan dadku iska wataan noloshooda caadiga ahayd oo ka mida kuwa ugu wanaasgan caalamka. Dadka ku nool K/Kuurya waxay u badan yihiin dhalinyaro. Marka aad Tareenada la raacdo waxa aad arkeysa  iyagoo akhrisanaya buugagta ama ku mashquuolsan Internetka oo ay aad u jecel yihiin.

DHAQAALAHA

Dhaqaale ahaan Koonfurta Kuuriya waxay gaartay heer sare, waana dalka 3-aad ee ugu dhaqaalaha badan Aasiya, iyo dalka 11-aad ee caalamka uu horeeya dhinaca dhaqaalaha.

1960 oo ku beegan markii ay Soomaaliya xoriyadda qaadatay labada Kuuriya waxay ahaayeen dalal isku mida oo faqriga dunida hoggaamiya, laakiin 50 sano kadib K/Kuuriya waxaa dhaqaalaha soo gala qofka South Kuuriyaanka ah  20 jeer ka badan yahay kan Waqooyiga Kuuriya, wuxuuna gaarayaa $38,000 sanadkii, kaasoo xitaa ka badan dalalka Talyaaniga iyo Spain ee reer Yurub.

40-kii sano ee ugu danbeeyay dalka Koonfur Kuuriya wuxuu isu bedelay si degdeg ah, isagoo noqday dal dhaqaale ahaan ku tiirsan tiknolojiyada casriga ah, waxayna ku biirtay dalalka wax soo saarkoodu gaaro Trilion-ka Doolar (1000 Bilyan oo Doolar = 1,000,000,000,000). Waxyaabaha dhoofiso waxaa ugu badan qalabka eletctronikada iyo baabuurta.

Kororka dhaqaalaha South Korea wxuuu celcelis ahaa sanadkii gaarayaa 9%, sidaasoo uu ku socday  sanadihii 1963 ilaa 1990. Hadda waxaad moodaa inuusan xowligaas ku socon oo sanadkii uu kordho 2.8%, sidaasoo tahay way ka horeysaa Mareykanka iyo dalal badan oo kuwa hore u maray ka mida. Shirkaddaha ugu waaweyn ee markiiba aan soo qaban karto waxaa ka mida: Samsung Electronics, Hyundai Motor, Hanwha Corp, SK Holdings, PoscoHyundai Heavy Industries, KIA Motors: Seoul, Hyundai Mobis iyo kuwo kale.

NOLOSHA

Time-jare reer Kuuriyaan ah-waa dad adeegga ku wanaagsan oo jecel inay wax waliba OK ahaadaan

 

Noloshu waa qaali halkaan, taasoo ay ugu wacan tahay inaad joogto mid ka mid dalalka dunida ugu casrsiran(South Korea ),  waxaan xasuustaa inaan koobka Kafeyga ku cabay 5 Dollar ($5), halka uu Tima jarana iga qaatay  halkii jarmo 47 Dollar ($47).  Qiimahaasi aad u sarreeyo waxay qeyb ka tahay nolosha ka jirta Caasimadda dalka ee Seoul.

Dadka Kuuriyaanka kaliya kama mideysna in 65 Milyan oo ay yihiin ay ku hadlaan hal luuqad oo kaliya, waxay kaloo ka mideysan yihiin inay Bariisku yahay cunta ugu badan ee laga cuno dalkan, wuxuuna ka mid yahay raashin waliba oo la quuto, khudaarta ayaa aad ugu badan, hilibku wuxuu ka mid yahay cuntada ugu horeysa.

Caadada ah in qoryo lagu cuno raashinka waa arrin dhaqan ah oo si xirfadeysan ay dadkani u yaqaanaan, laakiin anigoo kale iskuma ceebeyn, oo waxaa qasab isku ahayd inaan fargeeto adeegsado.

Dalka Koonfurta Kuuriya: Ma ahan sidaan mooday

SOO DHOWEYNTA: 

Dadka Reer K/Kuurya waxay aad ugu wanaagsan yihiin soo-dhaweynta iyo Marti-soorka, waxayna aad u tixgliyaan Ajnabiga ugu yimaada shaqada iyo waxbarashada.

Kuuriyaan waa ku xeel dheer hadalka maldahan ama Suul-dhabaaleynta waxayna dadka kula hadlaan gacmaha, tusaale ahaan marka ay wax diidayaan ama MAYA ay doonayaan waxay is weydaariyaan labada gacmood iyagoo sameynaya ereyga “X” oo micnihiisu yahay “MAYA”.

Waxaad maqleyaa qof telefoon ku hadlaya ama qof kale la hadlaya oo guraha “UH” kuna celcelinaya, taasoo la macne ah “YES ama HAA” markaa la yaab ma laha inaad aragto qof daqiiqo “aah” ku haya.

Mar waliba oo aad sawir la gasho ama ay iyagu sawir galayaan calaamad ayaa u taagan oo ah “V” farahooda ayay ku muujiyaan, waana joogto aanay marna iloobeyin xitaa haddii aad adiga ilowdo iyagu waa caado aanay ka harin. Waa dad akhriya muuqaalka wejiga iyo sida qofku xaalkiisu yahay, waxaana la iska ilaaliyaa inaadu muujiso xaalad aan wanaasganeyn.

Jaamacadaha: Waddaanka waxaa ku yaalla Jamaacado tayo leh, waxaana wax ka barta Arday badan oo Shisheeye ah. Jaamacadahaasi waxay bixiyaan Deeqo waxbarasho, si loo barto Luqadda dalkooda.

Dalka Koonfurta Kuuriya: Ma ahan sidaan mooday – V waa caalamad sawir kasta la socota

LA-YAABKA KUURIYA

Waxyaabaha iga yaabiyey labadii todobaad ee aan dalkan joogo waxaan booqday 5 magaalo oo waaweyn. Marka aad Muwaadiniinta dalka K/Kuuriya wax ka weydiiso cimrigooda, waxay yiraahdaan inay isticmaalaan da’da caalamiga ah (International Age) iyo mida Kuuryaan-ka (Korean Age).

Da’da caalamiga waa sanadka caadiga ah,  waxayna iyaga xisaabsadaan 9-ka bilood ee ay caloosha ku jireen.

Haddii uu qofka dhashay bilawga January-na waa  laba sano jir marka uu dhasho (sanadkii caloosha iyo sanadka cusub). Sidoo kale cabirka kabaha waxay leeyihiin Cabir Caalami ah (international Size) iyo cabirka Kuuryaanka (Korean Size).

Magacyada waxaad moodaa inay isku wada mid yihiin, waxaana qofka loogu magac darayaa magaca qoyska, taasoo keeneysa in ilaa 15 qof magac qura loogu yeero, ha isku wareerin inaad magac ugu wacdo qof. Haddii aad khudbad jeedineyso waa inaad qofka ugu yeertaa magaca qoyskiisa.

Dadka reer Kuuriyada Koonfureed waxay aad ugu ugu badan yihiin magaalooyinka, dalkan oo u badan buuro iyo togag meelaha dhul ahaanta loo diyaariyay ayaa yar, sidaas darteed magaalada waa  ciriiri, Gadiidka fara badan, tareenada is dhaafaya waxaa ka badan dadka lugeynaya, dadkuna waa is jiirayaan si joogto ah, waxaad halis ugu jirtaa inaad qof ku dhacdo ama uu kugu dhacdo, gaadiidka la raaco waa buux dhaaf, qof waliba wuxuu ku degdegayaa dan uu leeyahay.

 

Dalka Koonfurta Kuuriya: Ma ahan sidaan mooday

 

Anigoo Dukaan ka iibsanayo ayaan ka dalbaday Kabaha cabirkooda yihiin 42,  wxaaase arkay cabir ila ekaaday oo 34 ah. Marka aan weydiiyena waxa la ii  sheegay cabirka inuu yahay Cabirka Kuuriyaanka, balse la ii raadinayo cabirkeyga.

Waxaan booqday goobaha taariikhiga ah ee dalkaasi oo aan ku soo arkay waxyaabo muujinaya Xadaaradda Qadiimiga ee dalka K/KuurIya. Wax badan ayaa weli ii harsan inaan ka barto dalkan iyo dadkiisa yaabka leh.

Si kastaba ha ahaatee, Dalkani waxa uu gaaray horumar aysan weli ku tallaabsanin Dalalka Reer Europe intooda badan, wuxuuna intaas oo dhan ku gaaray dadka dalkan oo dad shaqo iyadoo dalkooda aanu lahayn kheyraad dabiici ah oo buuran ayay awoodeen inay heerka aad aragteen gaaraan.

MAXAAN KA KORORSAN KARNAA SOOMAALI AHAAN..?

Taladiina iyo fekerkiina waa muhiim

Waxa Qoray: Xasan Cali Geesey

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor