FBI-da Maraykanka oo Baaris ku sameeyay Guriga Donald Trump

Saraakiil ka tirsan hay’adda FBI-da Maraykanka ayaa la sheegay inay baaris ku sameeyeen qasri weyn oo uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump oo ku yaalla gobolka Florida.

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada FBI-du ay weerareen gurigiisa raaxada ee Mar-a-Lago oo ku yaala gobolka Florida.

“Gurigayga quruxda badan, ee Mar-A-Lago ee magaalada Palm Beach ee ku taalla gobolka Florida waxaa hadda lagu hayaa go’doomin, ka dib markii la weeraray, waxaana ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan hay’adda FBI,” ayuu Trump ku yiri hadal dheer oo uu soo saaray fiidnimadii Isniinta.

“Kadib markii aan la shaqeynay oo aan la shaqeynay hay’adaha dowladda ee ay khuseyso, weerarkan aan la ogeyn ee lagu qaaday gurigeyga ma ahayn mid loo baahnaa ama ma ahayn mid ku habboon,” ayuu yiri.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor