Fasah faahin:-Dil ka dhacay degaan ka tirsan Hiiraan iyo xiisad taagan

Rag ku hubeysnaa Qori Ak-47 ayaa xalay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan ku dilay Nin shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dilkaas ayaa ka dhacay deegaanka qabno ee hoostega degmada Matabaan ee Hiiraan, waxaana Ninkaas lagu furay xabado, isagoo u geeriyooday, isla markaana waxaa goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.

Maleeshiyaad hubeysan una abaabulnaa hab qabiil ayaa la sheegay in Ninkaas ay dileen, waxaana falkaas uu ahaa mid la xiriiray aano qabiil oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka taagneyd deegaano Miyi ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Wararka Maanta aan ka heleyno deegaano hoostega Matabaan gaar ahaan deegaanka dilka uu ka dhacay ee qabno ayaa sheegay inay halkaas ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed, isla markaana laga cabsi qabo inuu dhaco dagaal.

Si kastaba dhawaan ayay aheyd maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ay xaliyeen maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo dagaalkooda markii horey ka bilowday dil la xiriiray aano qabiil iyo dhul-daaqsimeedyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media