Farriin culus oo loo diray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Kulankii 817-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ku aadan Natiijadii ka soo baxday Guddigii Xaqiiqo-raadinta ee dhawaan booqashadda ku yimid magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo u kuur-galay Hawlgalka AMISOM iyo Arrimaha Ammaanka iyo Siyaasadda Somalia.

Wafdigaasi oo uu hoggaaminayey Safiirka dowladda Jabuuti u jooga Xarunta Dhexe ee Ururka AU-da ee magaalladda Addis Abeba, ahaana Madixii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee PSC, Ambassador Idris Maxamed Faarax waxay Warbixin dhamaystiran u gudbiyeen Guddiga Golahaasi oo ku aadan Natiijadda Safarkoodii Somalia ay ku tageen muddadii u dhexeysay 26-kii ilaa 28-kii November ee sannadkan.

War-murtiyeed laga soo saaray Kulanka Warbixinta ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxaa lagu xusay in guulo laga gaaray dadaalka Deganaanshaha Somalia, iyo xaaladaha   Ammaanka, Soo-kabashadda Dhaqaalaha, Caddaaladda Bulshadda iyo Siyaasad loo dhan yahay, Horumarinta Dhamaystirka Dastuurka KMG, Jadwalka Doorashadda 2020-ka iyo Kheyraad-wadaagga ee DF iyo Dowlad-gobaleedyadda.

War-murtiyeedka oo dhowr qoddob ka koobnaa waxa uu ugu baaqay DFS iyo Dowlad-

gobaleedyadda inay xaliyaan Khilaafkooda, isla markaana ay yeeshaan Wada-hadal xaqiiqo ah oo wax dhisaya, lana abuuro deganaansho siyaasadeed si loogu guuleysto Doorashadda ka dhacaysa qaar ka mid ah Maamul-gobaleedyaadda.

Dhinaca kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxay hoosta ka xariiqeen  muhiimadda ay leedahay  Dhismaha Awoodda  Ciiddanka Ammaanka Qaranka Soomaaliyeed ee SNSF, si ay mas’uuliyadda Ammaanka kala wareegaan AMISOM sannadka 2021-ka

Sidoo kale, Waxay kaloo ka hadleen Qorshaha ay AMISOM kaga baxayaan Somalia, waxayna ammaaneen ragga iyo dumarka ka tirsan AMISOM ee naftooda u huray Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor