Farmaajo oo War kasoo saaray Qodobadii kasoo Baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa war kasoos aaaray heshiiskii iyo qodobadii kasoo baxay Shirkii Golaha wadaatshiga Qaran ee lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho, kaasi oo ay ka qayb galeen madaxda Dowaldda Federaalka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda dowlad Goboleedyada dalka, marka laga reebo madaxweynaha Puntland.

Farmaajo ayaa soodhaweeyay mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda.

Qoraalka uu soo saaray maadxweynihii hore ee Soomaaliya farmaajo ayaa waxaa uu ku sheegay in doorashooyinka laga shirka looga hadlay ay u tahay shacabka Soomaaliyeed himilo muddo dheer oo ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan.

Heshiiska ay gaareen madaxda Muqdisho ku shiray ayuu sheegay Farmaajo in uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor