Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonoow oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo ahaa Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
“Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Boonoow waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska dowladnimad iyo midnimada Shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa Xildhibaan Qaran iyo Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Qarankaâ€
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.