Farmaajo oo ogolaaday in dib loogu noqdo Doorashadii dadbaneyd

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saqdii dhexe ee xalay jeediyay khudbad uu uga hadlayay xaaladda siyaasadeed ee Cakiran ee dalka, doorashada dhaceysa iyo rabshadihii dhacay.

Farmaajo oo si toos shacabka Soomaaliyeed ugala hadlayay Telefashinka dowladda ayaa waxaa uu marka hore walaac walaac xooggan uga muujiyay xaaladaha ka taagan Muqdisho, doorashada iyo amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay go’an tahay in dalka ay ka qabato doorasho loo dhan yahay, hayeeshee ay caqabaddu noqotay faro gelin shisheeye iyo gacmo gurracan oo doonaya burburinta dalka iyo kala qeybinta Shacabka.

“Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa boggaadiyay dadaallada nabadeed ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isaga oo soo dhaweeyey baaqyadii ay ka soo saareen arrimaha doorashooyinka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.”

Isaga oo sii hadlaayay Farmaajo ayuu yiri “Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Ugu dambeyn Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, isaga oo faray hay’adaha amniga in ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabk birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor