HomeWararFarmaajo oo Maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiir cusub

Farmaajo oo Maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiir cusub

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Hindiya Mudane Virander Kumar Paul ayaa muujiyey dadaallada miro-dhalka ah ee Dowladdu ay gelisay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalka caalamka ee dan-wadaagta la ah dalka.

Danjire Kumar ayaa soo gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Hindiya, waxa uuna tilmaamay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab.

Danjiraha ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliya uga mahad celiyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay ku qaabileen, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey kobaca iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo isu-socodka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha Dowladda Hindiya horumarka muuqda ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, gaar ahaan dib u habeynta laamaha ammaanka, dhaqaalaha, dayn cafinta, dib-u-dhiska ciidamada, xoojinta dimuqraadiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, isaga oo u xaqiijiyey in uu kala kulmi doono shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed wada-shaqayn iyo soodhaweyn wanaagsan.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories