Farmaajo oo ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee la Magacaabay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war kasoo saaray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee uu Magacaabay Madaxweynaha ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaraaha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajaynayaa in uu Eebbe u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, aniga oo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka codsanaya in ay codkooda kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socday” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

About Webmaster

View all posts by Webmaster