Farmaajo oo ka hadlay geerida Madaxweynihii Tanzania John Magufuli

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxaamed Cabdulaahi Maxamed farmaajo ayaa ka hadlay geerida ku timid Maxadweynihii dalka Tanzania John Magufuli oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalkaasi.

Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan dadka Reer Tanzania ee uu ka baxay Madaxweye John Magufuli, waxaana si gaar uu ugu tacsiyeeyay Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Samia Suluhu Hassan iyo marwada koobaad ee dalka Tanzania.

Madaxweynaha ayaa xanuunsaday 14-kii March kaddibna waxaa la dhigay isbitaalka uu ku geeriyooday iyada oo ay da’diisuna ahayd 61 jir.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa telefishinka ka sheegay in uu Magufuli u dhintay wadno xanuun

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor