Farmaajo  oo ka hadlay dilkii loo gaystey Madaxweynihii Chad  Idriss Deby

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Maxamed Cabdallaahi Farmaajo, ayaa kaga tacsiyeeyay shacabka iyo dawladda dalka Chad, geeridii Madaxweyne  Idriss Deby, oo u dhintay Talaadadii shalay dhaawac kasoo gaaray iska hor imaad hubeysan oo dhex maray Ciidanka dalkaas iyo kooxa hubaysan oo ka soo horjeeda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa yiri: “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan ugu tacsiyeynayaa hoggaanka iyo shacabka Chad, geeridii ku timid Madaxweyne Idriss Deby, oo dhintay shalay oo Talaado ahayd.”

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Idriss Déby, uu ahaa Hoggaamiye dowladeed oo daacad ah, uuna dhintay isagoo ilaalinaya dadkiisa iyo qarankiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor