• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, June 23, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Farmaajo oo Dhaliil Kulul U Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Ilhaan by Ilhaan
June 5, 2025
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
Farmaajo oo Dhaliil Kulul U Jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh
1k
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u dhaliilay sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u maamulayo gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay 1-dii Juun 2025. Farmaajo ayaa sheegay in qaabka loo wajahayo wadatashigaasi uusan muujinayn dadaal dhab ah oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

Farmaajo ayaa tilmaamay in habka martiqaadka, ajandaha iyo jihada guud ee shirku ay yihiin kuwo aan loo dhammayn, taasoo sida uu sheegay carqalad ku ah helitaanka heshiis qaran oo ku saabsan arrimo masiiri ah sida wax-ka-beddelka dastuurka, nidaamka doorashooyinka iyo wadaagga awoodda u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

“Arrimaha siyaasadeed ee u baahan heshiis qaran iyo talo-wadaag waa mas’uuliyad lagu xalliyo iyadoo loo dhan yahay. Madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa mid wali diidan in uu waddadaas qabsado,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa si gaar ah uga digay qorshaha lagu wax ka beddelayo 11 cutub oo ka mid ah dastuurka, isagoo ku tilmaamay “mid sharci-darro ah” iyo “halis ku ah heshiiskii siyaasadeed ee salka u ahaa dowladnimada dalka.”

Dhanka kale, Farmaajo ayaa dhaliilay hannaanka doorasho ee dowladda hadda jirta ay waddo, wuxuuna ku tilmaamay “mid aan loo dhamayn, kuna saleysan sharciyo iyo guddiyo uu madaxweynuhu gaar u magacaabay,” taasoo uu sheegay in aysan metelin is-afgarad qaran.

Farmaajo wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay is-diiwaangelinta muwaadiniinta oo uu ku sifeeyay “mid qasab ah” oo “ku tumanaysa xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu si dhab ah u wajaho xaaladda siyaasadeed ee dalka, kuna soo laabto dariiqii dastuurka lagu heshiiyay, si loo helo gogol wadatashi oo dhab ah, laguna gaaro go’aammo masiiri ah oo ay si buuxda uga qayb qaataan dhammaan heerarka dowladda.

“Haddii si dhab ah loo doonayo xal waara, waa in gogosha wadatashigu noqotaa mid ay ka wada qeyb qaataan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.

Previous Post

At Least 20 Al-Shabaab Fighters Killed in Clashes with Local Militia in Central Somalia

Next Post

Joyful Somalia Unites in Colorful Second Day of Eid al-Adha Celebrations

Ilhaan

Ilhaan

Related Posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”

June 23, 2025
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka
Caalamka

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

June 22, 2025
Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal
Warar

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

June 22, 2025
Next Post
Joyful Somalia Unites in Colorful Second Day of Eid al-Adha Celebrations

Joyful Somalia Unites in Colorful Second Day of Eid al-Adha Celebrations

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

by Gesey Liban
June 23, 2025
0

Baidoa, South West State – The Somali National Army (SNA) scored a significant victory against Al-Shabaab early Sunday morning after...

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

by Gesey Liban
June 23, 2025
0

Algiers, Algeria – Somalia is taking part in a high-level regional summit on social and economic development in the Arab...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Arakchi, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa shaaciyay...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay...

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive
English News

Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria
English News

Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

"Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta"

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali National Army Repels Al-Shabaab Ambush in Baidoa, Killing Dozens in Counter-Offensive
  • Somalia Participates in Arab Social Development Summit in Algeria
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
  • Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00