Madaxweynaha Faransiiska, Emanwal Makron iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa kala saxiixday Heshiiskii ugu horreeyey ee Iskaashiga Milliteriga, sida uu baahiyey Telefishinka Ethiopia.
Ra’iisul-wasaraha Ethiopia iyo Madaxweyne Emanwal Makron oo Shir Jaraa’id ku qabtay Addis Abeba waxay sheegeen inay isku afgarteen Iskaashi dhanka Difaaca iyo inay Faransiiska taageero ka geystaan dhismaha Ciiddanka Badda ee Ethiopia, iyadoo la og yahay inaysan Ethiopia lahayn bad u gaar ah.