Fanaanad Maanta ku geeriyootay Magaalada Muqdisho

Allaha u naxaristee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda ee dalka ku geeriyootay Fanaanad Muno Daahir (Muno Xidigta), sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyey Abwaan C/qaadir Cabdi Shube Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada.

Abwaan C/qaadir Cabdi Shube ayaa sheegay in Fanaanadad Muno Xidigta uu habeen hore kusoo booday xanuun, isla markaana xanuun haayay ay arroornimadii hore ee saakay u geeriyootay.

Fanaanada Muno xidigta ayaa Ka tirsaneed Hobolada Waaberi Puntland, iyadoo markii danbe usoo wareegtay dhinaca Magaalada Muqdisho, sidaasna uga mid noqotay Hobolada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Baraha Bulshada ayaa waxaa hareysay tacsida loo dirayo Fanaanad Muno Daahir (Muno Xidigta), waxaana Fanaaniin farabadan ay sigaar ah tacsi ugu direen Ehelada Marxuumada iyo shacabka ka dhimatay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor