Fanaan Caan ahaa oo Maanta Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyooday fannaakii caanka ahaa ee reer Suudan Salaax Ibnul baadiya.

Salaax oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan Sudan, Afrika iyo dunida Carabta, ayaa maanta ku geeriyooday dalka Urdun, halkaas oo uu 8-dii bishan u tagay arrimo caafimaad iyo walaalkii oo ay muddo kala maqnaayeen.

Allaha u naxariistee Salaax Ibnul baadiya da’diisu waxa ay ahayd 82 jir.

Salaax waxa uu ka mid ahaa fannaaniin reer Suudaan ah oo marar badan yimid Soomaaliya bartamihii lixdamaadkii iyo toddobaatamaadkii, isagoo Soomaaliya keenay bandhig faneedyo kala duwan,taas oo keentay xiriir faneed oo xooggan oo dhex maray labada dal oo ee Soomaaliya iyo Suudaan oo wax badan wadaaga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media